Kooxda Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Carlos Baleba.

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Carlos Baleba.

Man United ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga Khadka dhexe ee Carlos Baleba kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso Khadka dhexe.

Laakiin sida laga soo xigtay David Ornstein, Man United ayaa go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Carlos Baleba suuqa xagaagan.

Saxafiga ayaa sheegaya in ay Man United la xidhiidhay Brighton laakiin United ayaa loo sheegay in aanu xiddigu iib ahayn suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga