Kooxaha Uu Kimmich Ku Biirayo Xagaaga Oo La Ogaaday

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa doonaya in uu midkood ku biro kooxaha Arsenal, Liverpool ama Man City hadii uu ka tago Bayern Munich sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 29 jirka ah ayuu hal sano uga dhiman yahay heshiiskiisa Bayern Munich waxana laga yaabaa in ay kooxdu iska iibiso hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Kimmich ayaan weli wax wadahadal ah la yeelan Bayern oo ku saabsan heshiis cusub iyada oo kooxaha reer yurub isku diyaarinayaan in ay u dhaqaaqaan xiddiga.

Sida laga soo xigtay Sky Germany, rajada Kimmich inuu heshiis la gaaro Bayern ayaan aad u badnayn kooxda reer Germany ayaana diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga.

Wararka ayaa sheegeya in sidoo kale Arsenal, Liverpool iyo Manchester City, Kimmich uu sidoo kale tixgelin doono u dhaqaaqista Barcelona iyo Real Madrid.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Barcelona ay haatan tahay meesha ugu horeysa ee Kimmich uu u dhaqaaqi karo hadii uu ka tago Bayern Munich.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga