Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Horyaalada Ugu Waaweyn Qaarada Yurub Oo La Soo Saaray.

Waxa lagu jiraa kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalada qaarada yurub xilli ciyaareedkan.

Waxa jira kooxo badan oo wacdaro ka dhigay qaarada yurub xilli ciyaareedkan.

Waxa la soo saaray kooxaha goolasha ugu badan ka dhaliyay 10-ka horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Kooxda PSV ee ka ciyaarta horyaalka Netherlands ayaa ah kooxd dhalisay goolasha ugu badan iyaga oo dhaliyay 103 oo horyaalka dalkaas.

Waxa ku xigta kooxda Sporting Lisbon oo dhalisay 87 gool ilaa haatan horyaalka Portugla waxana la mid ah kooxda ka ciyaarta horyaalka Turkey kuwaas oo dhaliyay 87 gool iyo waliba kooxda Bayern Munich ee oo iyaguna dhaliyay 87 gool.

Waxa ugu dambeeya kooxda Arsenal oo dhalisay 82 gool oo horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga