Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka champions League iyada oo garaacday kooxda Copenhagen kulankii ugu dambeeyay wareega heerka Group-yada.
Kooxda Barcelona ayaa ku dhamaystay kaalinta 5-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo si toos ah ugu gudubtay wareega 16-ka tartanka.
Barcelona ayaa haatan isha ku haysa isku aadka Iyo kooxaha ayla ciyaari karaan wareega 16-ka tartanka champions League.
Inkasta oo aan wali la samayn isku aadka hadana waxa la ogaaday kooxaha ay Barcelona ku aadi karto wareega 16-ka tartanka champions League.
Kooxda Barcelona ayaa ku aadi karta kooxaha Newcastle United, Paris Saint-Germain, Qarabag, Iyo Monaco wareega 16-ka tartanka champions League.
Be the first to comment