Kooxda Arsenal ayaa si xarago leh ku dhamaystay tartanka champions League kadib markii ay guul ku soo xidheen heerka Horyaalka ee tartanka.
Arsenal ayaa badisay dhamaan kulamadii ay ciyaartay tartanka champions League iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee kala saraynta.
Arsenal ayaa isha ku haysa wareega 16-ka tartanka champions League Iyo waliba in ay meel fog ka gaadhaan tartanka.
Ka hor inta aan la samayn isku aadka waxa la shaaciyay kooxaha ay Arsenal ku aadi karto wareega 16-ka ee tartanka champions League.
Arsenal ayaa midkood ku aadi karta kooxaha Atalanta, Bayer Leverkusen, Borussia Dortmund, Olympiacos wareega 16-ka champions League.
Be the first to comment