
Kooxda Chelsea ayaa isku dayday saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Virgil Van Dijk sida ay sheegayaan wararku.
Van Dijk ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub si uu labada sano ee soo socota la sii joogo kooxda Ku ciyaarta Anfield.
Laakiin Ka hor inta uuna saxiixin heshiiska cusub, Van Dijk ayaa ku dhawaaday in uu ka tago kooxda Liverpool.
Heshiiskii hore ee Van Dijk ee Liverpool ayaa ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda.
Chelsea ayaa isku dayday in ay ka faa’iidaysato waxana ay isku dayday in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Van Dijk ka hor intii uuna saxiixin heshiiska cusub.
Si kasta ha ahaatee Van Dijk ayaa iska diiday Chelsea isaga oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo Liverpool ah.
Be the first to comment