Koox Premier Legaue Ka Ciyaarta Oo Liverpool Ku Garaacaysa Saxiixa Ruben Amorim

West Ham ayaa wadahadalo la gashay Tababaraha kooxda Sporting Ruben Amorim, iyadoo hubanti la’aantu ay sii kordheyso mustaqbalka David Moyes ee kooxda.

Moyes ayuu haatan heshiiskiisa kooxda dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan mana cada in uu 60 jirku sii ahaan doono tababaraha kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Kooxda West Ham ayaa wadahadalo la yeelatay tababaraha Sporting si ay ugu badalaan Moyes.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Tababare Amorim yimid London xalay si uu wadahadalada u dhamaystiro.

Tababaraha ayaan si weyn loola xidhiidhinayay Liverpool oo suuqa ugu jirta badalka Jurgen Klopp.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga