Koox Premier League Oo Man United Ka Doonaysa Saxiixa Kobbie Mainoo

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Kobbie Mainoo hadii aanu u kordhin heshiiska uu ku joogo Old Trafford.

Mainoo oo 19 jir ah ayaa qalinka ku duugay heshiis afar sano ah sanadkii 2023 waxana uu ku jiraa 3-dii sano ee ugu dambaysay heshiiska.

Inkasta oo ay United doonayso in ay heshiis cusub saxiixato xiddiga wali wax horumar ah kamay samayn arintaas.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Chelsea ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer England.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga