Koox Premier League Oo Ku Dhaw Saxiixa Marcus Rashford.

Aston Villa ayaa ku dhow inay Man United kala heshiiso saxiixa xiddiga Marucs Rashford kaas oo ay ku doonayso heshiis amah ah.

Heshiiska ayaan wali la dhamaystirin waxana jira wadahadal u dhexeeya dhamaan dhinacyada kala duwan.

Horumar la taaban karo ayaa la sameeyay, iyadoo Villa ay u dhaqaaqday in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga reer England.

Villa ayaa lagu wadaa inay daboosho qayb muhiim ah oo ka mid ah mushaharka weeraryahanka oo ay weheliso bixinta gunnooyinka waxqabadka la xiriira.

Tababaraha Villa Emery ayaa si shaqsi ah uga codsaday kooxda inay wadahadalo la galaan Rashford maadaama uu taageere weyn u yahay xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo uu u maleynayo inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qatarta badan adduunka, waxaana uu aaminsan yahay inuu ka caawin karo inuu dib u soo ceshado qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga