Soddon iyo kow (31) dal ayaa u soo baxay tartanka Koobka Adduunka 2026.
Portugal ayaa noqotay xulkii ugu dambeeyay ee u soo baxay koobka adduunka sanadka cusub kaddib markii ay 9-1 ku garaaceen Armenia ciyaartii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Axaddii.
Portugal waxay ciyaarta kaga maqanayd kabtankooda Cristiano Ronaldo, kaasoo kaarka cas lagu siiyay guuldarradii 2-0 ee ay kala kulmeen Republic of Ireland.
Dalalka martigelisa:
Maraykanka, Mexico iyo Canada.
Aasiya:
Qatar, Saudi Arabia, Koonfur Korea, Uzbekistan, Australia, Iran, Japan, Jordan.
Afrika:
Senegal, Koonfur Afrika, Tunisia, Algeria, Cape Verde, Masar, Ghana, Ivory Coast iyo Morocco.
Concacaf:
Weli cidna.
Europe:
Portugal, Croatia, England iyo France.
Oceania:
New Zealand.
South America:
Paraguay, Uruguay, Argentina, Brazil, Colombia iyo Ecuador.
Be the first to comment