Kolo Toure: Arsenal Waxa Ay Ku Faraxsanayd Hal Dhibic Kulankii City, Halkan Arin Ayaana Caddayn U Ah.

Kolo Toure ayaa sheegay in Arsenal ay ku qanacsanayd hal dhibic kulankii Man City Axadii.

Labada kooxood ayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala baxay kulan ka dhacay garoonka Etihad.

“Arsenal ayaa ahayd kooxda faraxsan kadib dhamaadkii ciyaarta sababtoo ah City ayaa raadinaysay guusha,City waxa ay doonaysay in ay ciyaarta badiso in ka badan Arsenal,” ayuu yidhi.

“Arsenal waxa ay ka fikiraysay in aan laga badin. City ayaa wax walba isku dayday balse ma aysan joogin xerada ganaaxa si ay goolal u dhaliyaan”.

“Arsenal waxa ay ku ciyaaraysay daafac dambe oo 6 ah runtii way adkeyd in la dhaliyo marka uu Haaland kaliya ku jirtay xerada ganaaxa inta badan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga