
Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu ku soo laaban doono Anfield maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka ka dib markii uu casuumaad ka helay tababare Arne Slot.
Reds ayaa dhaaftay dhammaan wixii laga filayey xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Slot iyaga oo ku dhaw in ay ku guulaystaan premier League isla markaas 13 dhibcood ka horeeya kooxda ugu dhaw ee Arsenal iyada oo 10 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.
“Haa, qorshuhu waa [in aan joogo Liverpool] laakiin maaha in aan saarnaado baska, waxa aan la joogi doonaa dadkii aan ku arkay baska,” Klopp ayaa yidhi.
“Waxa aan u malaynayaa in aadi doono Liverpool kulanka ugu dambeeya”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment