Klopp Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2024.

Kadib daawashada wareega 16 ee Euro 2024, tababarihii hore ee Liverpool Jurgen Klopp ayaa fikirkiisa ka dhiibtay cidda loo caleemo saari doono koobka Euro 2024.

Klopp ayaa haatan ku raaxaysanaya nolosha jasiirada Spain ee Majorca kadib markii uu ka tagay Anfield dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

“Haatan, xulka Spain ayaa u muuqda mid ku guulaysan kara”ayuu Klopp yidhi.

“Laakiin Germany waa fiican yahay sidoo kale France waa xul Fiican, Xulka Engaland waa uu fiicnaan doonaa inta uu tartanku socda”.

Xulalka Germany, Spain iyo England ayaa dhamaantood iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka euro 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga