Klopp, Guardiola, Haaland, Alvarez, Laporte, Mac Allister, Calafiori & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa meesha ka saaray inuu ku biirayo Real Madrid ka dib markii Kylian Mbappe uu u dhaqaaqay Santiago Bernabeu maadaama uusan dooneyn inuu booskiisa u lumiyo Mbappe Taas bedelkeeda, waxa uu ka fiirsanayaa inuu ku biiro Barcelona xagaaga soo aadan. (El Nacional).

Bayern Munich ayaa ku hormartay tartanka loogu jiro saxiixa Xavi Simons oo ka tirsan Paris Saint-Germain. Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa raadinaysa heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga (L’Equipe).

Kooxda Newcastle United ayaa wadahadalo la yeelatay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa kadib markii uu burburay xiisihii kooxda Tottenham Hotspur ee ku aadan xiddiga reer Italy (HITC).

Kadib bixitaankii Alvaro Morata oo ku biiray AC Milan, Atletico Madrid ayaa dagsatay qorshe ay ku doonayso xiddiga Man City ee Julian Alvarez (Mundo Deportivo).

Liverpool ayaa si adag uga shaqaynaysa inay isku daydo inay Manchester United iyo Arsenal ku garaacdo saxiixa daafaca dhexe ee Sporting CP Goncalo Inacio, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo €60m (O Jogo).

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay isku daydo saxiixa daafaca dhexe ee Al Nassr Aymeric Laporte kadib markii ay wayday saxiixa Leny Yoro kaas oo qarka u saaran in uu ku biiro Man Utd (El Mundo).

PSG ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto xiddiga khadka dhexe ee Benfica Joao Neves iyada oo ku dhaw in ay ka bixiso 70 milyan oo euro (A Bola).

Chelsea ayaa kula tartami doonta Aston Villa, Tottenham iyo Napoli saxiixa daafaca dhexe ee Atletico Madrid Mario Hermoso (Calcio Napoli).

Weeraryahanka Tottenham Richarlison ayaa waxaa doonaya labada ciyaaryahan ee Saudi Arabia Al Ittihad iyo Al Qadsiah (Fichajes).

Aabaha dhalay xiddiga Liverpool ee Alexis Mac Allister ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu sii joogi doono Liverpool (90min).

Heshiiskii ay Arsenal ku doonaysay saxiixa xiddiga kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori ayaa istaagay (90min).

Arsenal ayaa diidan in ay bixiso lacagta ay kooxda Bologna dalbanayso si ay u iibiso xiddiga (90min).

Tababarihii hore ee Liverpool Jurgen Klopp ayaa iska diiday in uu tababare u noqday Xulka England (Sky Germany).

Xidhiidhka FA-ga England ayaa doonaya in ay tababare ka dhigaan Pep Guardiola marka uu ka tago Man City (Independent).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga