Kevin De Bruyne Oo Joojiyay Wadahadaladii Heshiiska Cusub Ee Man City, Sabab.

Kevin de Bruyne ayaa hakad galiyay wadahadalada qandaraaska cusub ee Manchester City ka dib dhaawac soo gaaray xilli ciyaareedkan, isagoo qirtay inuusan ogeyn inuu weli sii joogi doono Eithad xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddiga reer Belguim ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa haatan iyada oo kooxdu wadahadalo la furay xiddiga xagaagii.

De Bruyne ayaa seegay shan bilood sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah ka hor inta uuna ku soo laaban kooxda kuna hogaamin horyaalkii 4-aad oo xidhiidh ah.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonaya dhaawac isaga oo kaliya ku bilowday 4 kulan kulamada horyaalka ee kooxda ka hor inta uusan mar kale garoomada ka maqnaan.

Waxa markii hore loo maleynayay inay tahay arrin yar ayaa keentay inuu seego sagaalka kulan ee xiga.

Xiddiga ayaa kaydka ka soo kacay labadii kulan ee ugu dambeeyay laakiin waxa uu awoodi waayay in uu kooxdiisa ka badbaadiyo guuldarooyin.

Isaga oo haatan diirada saaraya in uu helo taam ahaanshihiisa, xiddiga ayaa joojiyay ka hadalka mustaqbalkiisa ee kooxda.

“Runtii ma garanayo,’ De Bruyne ayaa ku sheegay shir jaraa’id Isniintii markii wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa”

“Bilawgii xilli ciyaareedka, waan ogaa in wadahadaladu dhici doonaan laakiin markaas waxa dhacay dhaawac kulankii Brentford, Waxaa loogu talagalay inay ahaato dhowr maalmood ka dibna waxay ahayd siddeed ama sagaal toddobaad”.

“Wadahadalo ayaan la qaatay kooxda xagaagii laakiin kadib dhaawaca ma ahayn wakhti fiican oo aan mustaqbalkayga kala hadlo kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga