Kevin De Bruyne Oo Jabin Kara Rikoodh Cajiib AH Oo Uu Lionel Messi Dhigay.

Kevin De Bruyne ayaa jabin kara rikoor cajiib ah oo uu Lionel Messi dhigay marka ay Manchester City wajihi doonto Manchester United axada.

Kulankii 192-aad ee Manchester Derby ayaa saameyn weyn ku yeelan kara labada dhinac.

City ayaa u baahan in ay guulaysato si ay uga fogaato in ay Liverpool iyo Arsenal ku guulaysato tartanka horyaalka premier League halka United ay doonayso in ay sii wado tartanka boosaska champions League.

Kulanka ayaa sidoo kale muhiim u noqon kara xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne.

Xiddiga reer Belguim ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawac muruqa ah oo uu ku maqnaa shan bilood bilowgii 2024-kii.

Tan iyo markaas waxa uu caawiyay 12 gool kaliya 11 kulan oo tartamada oo dhan ah, iyadoo afar ka mid ah ay yimaadeen kulankii ay City 6/2 kaga badisay kooxda Luton Town kulan ka tirsan FA Cup habeenkii Salaasada.

ciyaaryahanka kaliya ee abuuray goolal badan waqtigaas isagoo ka ciyaara Premier League, LaLiga, Serie A, Ligue 1 ama Bundesliga, waa Lionel Messi.

Tan iyo xilli ciyaareedkii 2013/14, ku guulaysta Ballon d’Or sideeda jeer waxa uu caawiyay 203 gool, inta badan waxa ay yimaadeen markii uu u ciyaarayay Barcelona.

Hal caawin oo uu sameeyo kulanka ay kooxdiisa Man City la ciyaari doonto Man United ayaa 32 jirkan ka dhigi doonta in uu barbareeyo rikoorka Messi halka 2 uu caawiyo ay ka dhigayso in uu jabiyo rikoodhka Messi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga