
Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin de Bruyne ayaa diidan in uu Man City u ciyaaro tartanka Club World Cup-ka xagaaga.
Man City ayaa ka qayb galaysa taranka koobka kooxaha adduunka ee ka dhici doona dalka Maraykanka.
Kevin de Bruyne Ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisu.
Xiddiga Khadka dhexe ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday in uu Man City kala qayb galo taranka koobka kooxaha adduunka ee soo socda.
Wargayska Daily Star ayaa sheegay in De Bruyne uuna doonayn in uu ka qayb galo tartanka koobka kooxaha adduunka.
Sababta uu wargaysku ku sheegay in uuna xiddigu doonayn in uu dhaawac soo gaadho maadama uu raadinayo koox cusub oo uu ku biro.
Be the first to comment