
Kevin De Bruyne ayaa qirtay in aanu wali go’aansan kooxda uu ku biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu ka tago kooxda waxana uu diiday in uu Meesha ka saaro in uu sii joogo kuna biro koox premier League.
33 jirkaan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah si uu ugu dhiiri galiyo soo laabashada City ee kulankii Palace sabtidii kadib markii kooxda Pep Guardiola laba gool laga dhaliyay.
Ciyaarta ayaa ahayd kulankii ugu horeeyay ee De Bruyne uu ku ciyaaro Etihad tan iyo markii uu ku dhawaaqay go’aanka uu kaga tagayo City xagaagan.
De Bruyne, oo City ku sugnaa 10 sano, ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Major League Soccer ama Saudi Pro League.
Laakin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sheegay in mustaqbalkiisa fog marka uu ka tago City uusan wali la hubin.
“Waxa aan soo qaadanay sanad adag, waxa aan xanuun la’aan ahaa 6-dii todobaad ee ugu dambeeyay”ayuu u sheegay TNT.
“Laakiin hadda waxaan dareemayaa xoriyad, waxaan awoodaa inaan sameeyo tababaro badan, waxaana dareemayaa inaan qaban karo shaqo fiican”.
“Ma garanayo waxa dhici doona laakiin waxaan doonayaa inaan Ciyaaro marka waxaan arki doonaa halka aan ku danbeyn doono”.
Be the first to comment