Warbixinno cusub ayaa shaaca ka qaaday sababta Kylian Mbappé uu si lama filaan ah ugu safray Paris, xilli uu dhaawac jilibka ah ka soo kabanayo.
Mbappé ayaa Talaadadii subaxnimadii si lama filaan ah uga baxay Madrid una aaday Paris, isagoo isla maalintaas dib ugu soo laabtay caasimadda Spain. Arrintan ayaa dhalisay dhaleeceyn iyo su’aalo badan, maadaama ciyaaryahanku uu weli dhaawac qabay.
Sida ay qortay Mundo Deportivo, oo soo xiganaysa OK Diario, safarka Mbappé wuxuu ahaa mid ay oggolaatay Real Madrid. Xiddiga 27 jirka ah ayaa Paris u aaday inuu ka qayb galo munaasabad samafal oo loo qabtay carruur ka tirsan mid ka mid ah hay’adaha samafalka.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Real Madrid ay dooneyso in marka hore la caddeeyo dhammaan wararka ku saabsan Mbappé, ka hor inta aan ciyaaryahanka lagu dhaleeceyn arrimaha la xiriira dhaqdhaqaaqyadiisa.
Sidoo kale, Jude Bellingham ayaa xilligan lahaa waajibaadyo xayeysiis oo u baahan inuu laba maalmood ku duubo muuqaallo London, taasna ay kooxda Real Madrid horay ula qorsheysay.
Mbappé ayaa hadda ku soo laabtay tababarka Real Madrid, isagoo ku dhow inuu si buuxda uga soo kabsado dhaawicii jilibka. Real Madrid-na waxay Sabtida la ciyaari doontaa Villarreal, kulan ka tirsan wareegga 8-aad ee La Liga.

