Kahor kulanka Real Madrid vs Paris Saint-Germain, Hakimi Oo ka hadlay Mbappé.

Xiddiga kooxda PSG ee Achraf Hakimi ayaa ka hadlay kulankii Real Madrid iyo saaxiibkiisii ​​​​hore Kylian Mbappé ee koobka kooxaha aduunka 2025.

Paris ayaa wajihi doonta Los Blancos dagaal adag oo ka tirsan semi-finalka koobka kooxaha aduunka, iyadoo ujeedadu tahay inay u gudubto finalka.

Kooxda Real Madrid ayaa u soo baxday wareega 8-da ee tartankan iyada oo garaacday Dortmund halka ay PSG ka badisay kooxda Bayern Munich.

Hakimi ayaa DAZN u sheegay in Mbappé uu yahay saaxiibkiis, balse ciyaaryahan walba uu matali doono kooxdooda kulanka soo socda.

Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu la ciyaaro Mbappé, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah inay garaacaan Real Madrid oo ay gaaraan finalka.

Achraf ayaa daaha ka qaaday inuu la xiriiray Kylian ka hor tartanka markii uu xanuunsanayay, haatanna ciyaaryahanka Real Madrid uu diyaar u yahay inuu ka qeyb galo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga