
Real Madrid ayaa sii wada xoojinta kooxdeeda, ka dib markii ay soo bandhigtay xiisaha Alexander-Arnold, waxay hadda diiradda saaraysaa saxiix muhiim ah waana xiddiga khadka Dhexe ee Martín Zubimendi.
24-jirka khadka dhexe uga ciyaara Real Sociedad ayaa noqday mudnaanta Los Blancos, wadahadalada kooxda iyo maamulka Real Madrid ayaa meel horumar leh Maraya.
Sida laga soo xigtay ilo ku dhow, Real Madrid waxaa ka go’an inay la soo wareegto Zubimendi, kaasoo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican LaLiga.
Roberto López Ufarte, ciyaaryahankii hore ee kubada cagta, ayaa ka faallooday El Partidazo de COPE in saxiixu uu ku dhawyahay in la dhamaystiro heshiiska.
Wakiilkiisa Iñaki Ibáñez, ayaa la hadlay kooxaha ugu waaweyn Yurub, laakiin waxaa la og yahay in Real Sociedad iyo Madrid ay leeyihiin xiriir aad u wanaagsan, kaasoo fududeyn kara heshiiska.
Zubimendi ayaa qandaraas kula jira Real Sociedad ilaa 2027, waxaana lagu burburin karaa 60 milyan euros. Inkastoo tiradaan aysan hoos u dhicin, hadana waa lacag ay awoodi karto Real Madrid, gaar ahaan marka loo eego dhaqaalaha ay Los Blancos ka heshay tartamada sida koobka kooxaha aduunka.
Be the first to comment