Kooxaha Man City iyo Real Madrid ayaa ku kala baxay bar-baro kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Bernabue.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 3/3 ah iyada oo labada kooxood sameeyeen fursado waali ah.
Manchester City ayaa daqiiqadii 2-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva kaas oo laad xor ah ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa.
Real Madrid ayaa goolka bar-baraha dhalisay daqiiqadii 12-aad kadib markii uu daafaca Man City si khaldan isaga dhaliyay goolka waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/1.
Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolka 2-aad laba daqiiqo kadib waxana u dhaliyay xiddiga Rodrigo Goes kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Xiddiga Foden ayaa daqiiqadii 66-aad u dhaliyay kooxdiisa Man City waxana uu ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah.
Laakiin Man City ayaa daqiiqadii 71-aad hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu goolka u dhaliyay xiddiga Josko Gvardiol kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 79-aad dhalisay goolka 3-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Valverde kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro.
Be the first to comment