
Alan Shearer ayaa sheegay in Real Madrid ay ‘shaki la’aan tahay’ kooxda uu ugu cad-cadyahay in ay ku guulaystaan sanadkan tartanka champions League kadib markii ay guul laba lugood ah oo isreeb-reeb ah ka gaadheen Manchester City.
Madrid, oo ah kooxda difaacanaysa horyaalka, ayaan si toos ah uGu soo bixin wareega 16-ka kadib markii ay ku dhamaystay meel ka baxsan 8-da boos ee ugu sareeya heerkii League.
Laakiin kooxda Carlo Ancelotti ayaa fariin cad u diray kooxaha ku hadhay tartanka kadib markii ay 6/3 kaga badiyeen Man City labadii lugood ee is reeb-reebka tartanka.
Kadib isku adkii wareega 16-ka Shearer ayaa sheegay in Madrid tahay kuwa ugu cad-cad tartanka champions League.
“Waxa ay u muuqdaan kuwo halis ah, kadib markii ay soo qaadatay natiijooyin xun heerkii horyaalka, waxa ay muujiyeen awoodooda”ayuu yidhi.
Mar la weydiiyay in Real Madrid loo tixgeliyo kuwa ugu cadcad, Shearer wuxuu ku jawaabay: ‘Haa, waxaan ka dhigi lahaa kuwa ugu cadcad, gabi ahaanba. Dhab ahaantii.’
Be the first to comment