Juventus Oo Man United U Soo Bandhigtay Heshiis Is Dhaafsi Ah Sancho Ayaa Ku Lug Leh.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u soo jeedisay Manchester United heshiis isku bedelasho ah oo uu ku lug leeyahay xiddiga Jadon Sancho.

Mustaqbalka Sancho ee Man United ayuu shaki ku jiraa iyada oo2 4 jirka la filayo in uu isaga tago kooxda Man United.

Xiddia Sancho ayaan ku soo laaban tababarka waxana si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Sida laga soo xigtay majaladda Talyaaniga ee Gazzetta, Juventus ayaa isha ku haysa inay la soo wareegto Sancho waxayna wadahadalo la yeelatay Man United oo ku saabsan heshiis isku beddelasho ah oo ay Man United ku siinayso Federico Chiesa.

Waxaa la fahamsan yahay in Ten Hag uu u furan yahay fikradda heshiiska is dhaafsiga, kaasoo keenaya in Sancho uu ka tago Old Trafford seddex sano ka dib markii uu Red Devils ugu soo biiray 75 milyan

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga