Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay 4 Xiddig Oo Diyaar U Ah Kulanka Man United.

Tababaraha Kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu dib u helayso xiddigaha dhaawaca uga maqanaa.

Liverpool ayaa habeen dambe la ciyaari doonta Sheffield United ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda Man United Axada dambe.

“Curtis Jones wuu soo laabtay wuxuuna diyaar u yahay berri”.

“Diogo Jota iyo Trent waxa ay tababar la qaadanayaan kooxda, waxana ay si buux ugu soo biiri doonaan todobaadka dambe”.

Alisson isaguna waa fiican yahay waxana uu tababarka buuxa ku soo biiri doonaa todobaadka dambe”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga