Tababaraha xulka Germany, Julian Nagelsmann, ayaa difaacay Florian Wirtz, isagoo sheegay in saaxiibadiisa Liverpool ay tahay in ay ka faa’iidaystaan samayntiisa fursadaha uu abuurayo.
Liverpool ayaa jebisay rikoodhka suuqa kala iibsiga ee UK xagaagan si ay ula saxiixdaan Wirtz, iyagoo Bayer Leverkusen uga soo bixiyay £116 milyan — inkasta oo lacagtaas laga daba maray markii Arne Slot uu lasoo wareegay Alexander Isak.
In kasta oo Wirtz loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarta ugu fiican caalamka, hadana ma uusan bilaabin si xooggan tan iyo markii uu yimid Anfield.
22-jirkan ayaa kaliya hal gool ka qeyb qaatay 10 kulan uu u saftay Liverpool xilli ciyaareedkan — taasoo ahayd caawin uu sameeyay kulankiisii ugu horreeyay ee Community Shield, taasoo Liverpool ay kaga adkaatay Crystal Palace bishii Agust.
Kadib markii uusan wax gool ah dhalin ama caawin sameyn toddobadii kulan ee ugu horreeyay ee Premier League, taageerayaasha kooxaha kale ayaa si cay ah ugu bixiyay Florian Wirtz naanaysta “007” — taasoo loola jeedo:
0 gool
0 caawin
7 kulan
Naanaystani waa mid lagu maadeysto ciyaartoyda weerarka ah ee si liidata ku bilaaba xilli ciyaareedka, iyadoo laga dheehanayo lambarada ee ay tahay inay muujiyaan waxqabad.
Wirtz ma aha kaliya xiddiga Liverpool ee la dhibaatoonaya qaab ciyaareedkaka xilli ciyaareedkan Iyadoo Mohamed Salah iyo Alexander Isak ay sidoo kale kamid yihiin ciyaartoyda si weyn loo dhaleeceeyay — gaar ahaan kadib markii Liverpool laga badiyay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.
Culayska ayaa sii kordhaya kooxda, iyadoo ciyaartoyda waaweyn ee laga filayay inay hoggaan muujiyaan — sida Salah iyo Isak — ay ku guuldareysteen inay saameyn muuqata ku yeeshaan kulamadaas, taasoo dhalisay walaac iyo dhaleeceyn ka imanaysa taageerayaasha iyo khubarada ciyaarta.
Si kastaba ha ahaatee, Florian Wirtz weli waa ciyaaryahan muhiim u ah xulka qaranka Jarmalka, iyadoo tababarihiisa xulka, Julian Nagelsmann, uu si degdeg ah uga jawaabay dhaleeceynta loo jeedinayo.
Nagelsmann ayaa muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo Wirtz, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiddigan uu weli yahay mid leh tayo gaar ah, isla markaana uu door muhiim ah ka ciyaarayo qorshihiisa caalamiga ah — isagoo tilmaamay in waxqabadka Wirtz ay mararka qaar ku xiran tahay sida ay saaxiibadiisu fursadaha u dhammaystiraan.
“Inkasta oo uusan wax goolal ah dhalin, haddana waa ciyaaryahanka abuura fursadaha ugu badan Premier League,” ayuu yiri Julian Nagelsmann.
“Ma aha khaladkiisa haddii saaxiibadiis aysan fursadahaas dhammaystirin, waxaana intaa dheer in tirakoobkuna aanu sheegin dhammaan sheekada,” ayuu yiri Nagelsmann.
“Wuxuu mar walba wajahay caqabado — wuxuuna hadda u baahan yahay inuu si adag u shaqeeyo sidoo kale.”
Be the first to comment