
Julian Alvarez ayaa qirtay go’aankii uu kaga tagay Manchester City in ay ka dhalatay doorkiisii xaddidan ee xilli ciyaareedkii 2022/23 ee ku guulaysiga Champions League.
City ayaa sanadkaas finalka ku garaacday Inter laakiin Alvarez gabi ahaanba kamuu soo muuqan ciyaarta waxana uu ku jiray kaydka iyada oo aan la isticmaalin si la mid ah kulankii Semi-final-ka ee ay la ciyaareen Real Madrid.
Kadib 12 bilood oo dheeri ah oo uu ahaa kayd kana dambeeyay Haaland, Alvarez ayaa go’aansaday in uu ku biiro Atletico Madrid.
“Runtu waxay tahay in City, tan iyo markii aan imid, ay igu kalsoonaatay”ayuu Alvarez yidhi.
“Waxay iga keeneen River ilaa Yurub, waxaan ciyaaray kulamo badan, waxaan dhaliyay goolal badan, waxaan ku guuleysanay koobab, taasi waxay ahayd mid sax ah”.
“Hadii aan halkaas sii joogi lahaa wan ku fiicnaan lahaa, mar walba sida aan sheegay abaal ayaan u hayaa kooxda”ayuu sii raaciyay.
“Laakiin waxa aan doonayay tartan cusub oo xirfadayda ah waxana aan dareemay in aan horumar ku samayn karo kooxdan Atletico Madrid”
Be the first to comment