
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Jude Bellingham ayaa xaqiijiyay inuu isku arko inuu u ciyaarayo kooxda reer Spain “tobanka ama 15ka sano ee soo socota”.
Bellingham waxaa doonayey kooxo badan oo waaweyn oo reer yurub ah sanadkii 2023 markii uu joogay Dortmund waxana uu ku biiray Kooxda Real Madrid.
Waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho final-ka Copa del Rey.
Waxa jira warar la xidhiidhinaya Man City kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer England.
Laakiin xiddiga reer England ayaa albaabka ka xidhay wararka sheegaya in uu ka tagayo Madrid.
“Waan ku faraxsanahay Madrid, waxaana filayaa in aan ku ciyaari doono dharka cad tobanka ama 15-ka sano ee soo socda” ayuu Bellingham u sheegay warbaahinta.
Be the first to comment