Joselu Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

Joselu Matto, oo ah ciyaaryahankii kooxda koowaad ee kubada cagta ee kooxda Qatar ee Al-Gharafa, ayaa u magacaabay ciyaaryahan kale oo Real Madrid ah inuu ku guuleysto Ballon d’Or bedelka Vinicius Junior.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u sharaxan inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2024, ka dib wacdarihiisii ​​xilli ciyaareedkii hore, islamarkaana uu ku hogaamiyay Real Madrid ku guuleysiga Champions League.

Joselu, ka dib hal xilli ciyaareed oo uu la qaatay Real Madrid oo uu kula guuleystay horyaalka iyo Champions League, wuxuu u dhaqaaqay kooxda Al-Gharafa ee Qatar, laakiin wuxuu aaminsan yahay in Dani Carvajal oo ay isku dalka yihiin uu aad ugu qalmo Ballon d’Or.

Isaga oo la hadlaya wargayska Marca ayaa yidhi”Carvajal wuxuu tixraac u yahay qof walba, wuxuu muujinayaa awoodiisa iyo rabitaankiisa ku guulaysiga koobabka iyo dagaalanka 95-ka daqiiqo ee ciyaarta”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waa hogaamiye cajiib ah, hadii uu u ciyaarayo Real Madrid ama xulka qaranka Spain, aniga ahaan isaga ayaa u qalma ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan waxii uu u qabtay xulka iyo kooxdiisa”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aanu ka hadlaynaa ciyaartoy wax walba ciyaaray isla markaana qaaday koobab la mid ah kuwa uu guulaystay Vinicius laakiin waxa uu Carvajal ku guulaystay koobka Qarmada yurub, waxana uu ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa finalka, tartankanina waa mid muhiimad weyn leh”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Inta badan amaan lama siiyo ciyaaryahanka difaacanaya, sababtoo ah qofka gool dhaliya ama caawiya inuu gool dhaliyo waa geesiga sheekada, laakiin waxaan aragnay goolkii Danny ee finalka, iyo sidoo kale goolkii uu ka dhaliyay Euro Championship. Waa musharraxa ugu caansan ee ku guulaysta Ballon d’Or aniga.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga