Jose Mourinho Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Ku Laabashada Real Madrid.

Tababaraha Kooxda Benfica ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda Real Madrid.

Jose Mourinho ayaa si cad uga jawaabay wararka la xidhiidhinaya Real Madrid iyada oo Los Blancos suuqa ugu jirto tababare cusub.

Mourinho ayaa hadalkiisa ku yiri:
“Joojiya inaad igu darsataan musalsalladiinna riwaayadeed. Waxaa jira musalsallo fiican, balse waa kuwo aad u dheer, haddii aad seegto qaybo ka mid ahna ma fahmi doontid waxa dhacaya. Ha igu tiirsanaanina musalsallada, sababtoo ah anigu gebi ahaanba ma daawado.”

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo ay sii socdaan hadal haynta  la xiriira mustaqbalka Mourinho ee Benfica, gaar ahaan maadaama qandaraaskiisa hadda uu dhacayo xagaaga 2027, halka warbixinno saxaafadeed ay sheegayaan in tababaruhu si ula kac ah dhibaatooyin uga abuuro gudaha naadiga si uu maamulka ugu qasbo inay ceyriyaan.

Waxaa xusid mudan in Mourinho uu hore u soo tababaray Real Madrid intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2013, wuxuuna muddadaas ku guuleystay horyaalka La Liga, Koobka Spain (Copa del Rey), iyo Koobka Super-ka Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga