Tababaraha kooxda koowaad ee kooxda Fenerbahce ee hadda Jose Mourinho ayaa dhaleeceeyay maamulka Manchester United sabab la xiriirta Erik Ten Hag.
Man United ayaa si weyn ugu dhibaatoonaysa qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan iyaga oo ku jira kaalinta 12-aad ee horyaalka premier League.
Berri oo Khamiis ah, Mourinho ayaa mar kale wajihi doona Manchester United iyada oo kooxdiisa Fenerbahce soo dhawayn doonto United kulan ka tirsan tartanka Europa League.
Tababaraha reer Portugal ayaa ka hadlay shirkii ka horeeyay kulanka waxana uu yidhi”Wanaag ayaan u rajaynayaa kooxda iyo qof walba”.
“Arimuhu si fiican uguma socdaan sidaas darteed waan ka xumahay xaalkooda sidoo kale wakhti uma hayo in aan ka fikiro wixii ka dhacay Man United wakhtigaygii”.
“Sii joogista Erik Ten Hag waxa ay la macno tahay in ay kooxdu ku kalsoontahay awoodiisa laakiin anigu taas ma arkin wakhtigaygii inkasta oo aan kooxda kula guulaystay Europa League”.
“Sidoo kale waxa aan ku guulaysan karnaa horyaal hadii Man City lagu helo in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga xilli ciyaareedkii 2017/2018”.
Be the first to comment