Joe Cole Oo Saadaaliyay Champions League Kadib Guushii Arsenal, Barcelona Iyo PSG.

Joe Cole ayaa daaha ka qaaday saadaashiisa kooxda ku guulaysanaysa Champions League dib markii Arsenal, Barcelona iyo Paris Saint-Germain ay wacdaro ka dhigeen wareega 8 dhamaadka.

Arsenal ayaa ku hogaamin doonta garoonka Bernabeu isbuuca soo socda ka dib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda Real Madrid garoonka Emirates Stadium.

Real Madrid ayaa samysay Soo laabashooyin cajiib ah champions League sanadihii ugu dambeeyay laakiin waxa ay u baahanyahay mucjiso si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee tartanka.

Iska kulankii hore ee isla todobaadkaas kulan kale kooxda Serie A ka dhisan ee Inter Milan ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Jarmalka ee Bayern Munich iyadoo uga mahadcelineysa Davide Frattesi oo dhaliyay gool wakhti dambe ah.

Xamaasadda ayaa sii socotay Arbacadii iyadoo Barcelona ay 4-0 ku xasuuqday Borussia Dortmund isla markaas Hal lug la gashay wareega xiga.

Kooxda PSG ayaa ugu dambeeyn 2/1 Kaga badisay Kooxda Aston villa iyaga oo sii wada guulaha xidhiidhka ah.

Kadib markii uu daawaday 4-tii kulan ee 8 dhamaadka Cole ayaa PSG u arkaa kooxda ugu cadcad ku Guulaysiga koobka Champions League.

“Aston villa SI Fiican ayay u ciyaartay runtii”ayuu Cole yidhi

“Laakiin PSG ayaa kooxaha u awood sheeganaysa”

Mar la waydiiyay hadii ay kooxda Real Madrid fursad u haysato in ay ka badiso Arsenal ayuu yidhi”Maya. Arsenal si fiican ayey ugu diyaarsan tahay inay iska celiso”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga