
Xiddigii hore ee Chelsea, Joe Cole, ayaa xiddiga Liverpool, Florian Wirtz u magacaabay saxiixa ugu fiican ee suuqa kala iibsiga xagaaga 2025.
Sida laga soo xigtay isaga, Reds ayaa ah kooxda ugu cadcad inay mar kale ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo lagu qiimeeyo saxiixyadii ay sameeyeen xagaagan.
Liverpool ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, iyadoo ka qaaday Arsenal.
In kasta oo kooxaha Premier League, sida Liverpool, Manchester United, Arsenal, iyo Chelsea ay qarash gareeyeen ku dhawaad 1 bilyan xagaagan, xiddigii hore ee England ayaa aaminsan in Reds ay tahay kooxda samaysay saxiixa ugu fiican.
Joe Cole ayaa u sheegay TNT Sports in Florian Wirtz uu yahay saxiixa xagaaga.
“Liverpool waxa ay samaysay saxiix Aad u weyn Wirtz gabi ahaanba waa cajiib”.
“.Waxaan u maleynayaa in [Wirtz] uu yahay saxiixii xagaaga… Aniga ahaan waxay ii tahay saxiixa ugu fiican”
Be the first to comment