
Chelsea ayaa ka fiirsan doonta inay u isticmaasho weeraryahanka ay doonayaan Joao Felix heshiis ay kula soo saxiixanayaan bartilmaameedka Arsenal iyo West Ham Jhon Duran oo ka tirsan Aston Villa, sida ay wararku sheegayaan.
Felix ayaa kaliya xagaagii hore ugu soo biiray kooxda chelsea isaga oo kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid lacag dhan 45 milyan laakiin waxa durba la saadaaliyay in uu isaga tagi doono ka dib markii uu ka baxay qorshaha maamulka kooxda.
Hantida Chelsea ee xulashada weerarka ayaa Felix ku xaddiday kaliya seddex kulan oo horyaalka ah oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkan, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa ka dambeeya xiddigaha Cole Palmer, Noni Madueke, Pedro Neto iyo Jadon Sancho.
Felix ayaa ka carooday hoos u dhac ku yimid doorkiisa galbeedka London, waxaana uu u furan yahay inuu ka tago Chelsea ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Bisha January todobaadka soo socda.
Aston Villa ayaa u muuqata inay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa Felix iyadoo wadahadalo la furtay Chelsea horaantii isbuucaan.
Unai Emery waa taageere caan ah oo Felix ah isagoo isku dayay inuu la soo saxiixdo ka hor inta aysan Chelsea helin saxiixiisa xagaagii hore.
Kooxo badan oo Yurub ah ayaa sidoo kale xiiseynaya Felix laakiin Villa oo hadda ku jirta kaalinta sideedaad ayaa 25 jirkaan siin doonta fursad uu ku sii joogo Premier League.
Chelsea ayaa ogolaan oonta bixista Felix hadii heshiis ku haboon la gaari karo waxayna isku dayi kartaa inay Duran ka qayb dhigto heshiiska ddiga sida laga soo xigtay talkSPORT.
Duran ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Villa Park ka dib markii uu ciyaaray booska labaad ee weeraryahanka England Ollie Watkins xilli ciyaareedkii oo dhan.
Be the first to comment