“Jilbaha Ayuu I Qabsaday…” Toni Kroos Oo Xaqiijiyey Inuu Ka Fiirsanayo Go’aankii Laga Sugayay

Xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos ayaa xaqiijiyey inuu ka fiirsanayo inuu dib ugu soo laabto ciyaaraha caalamiga ah, isla markaana uu arrin uu layaabay kala kulmay Antonio Rudiger, taas oo ku riixday inuu dib ugu laabto go’aankii uu hore ugaga fadhiistay u ciyaarista xulka qarankiisa.

Toni Kroos ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka oo ay si bahdilaad ah uga hadheen, waxaana uu ka maqnaa ciyaarihii Koobka Adduunka 2022 ee Qatar iyo Euro 2020 oo intaba uu dalkiisu dhibaatoonayay.

Xulka Qaranka Germany ayaa dedaal ugu jira in ay ku qanciyaan Toni Kroos inuu kusoo laabto xulkiisa oo uu ciyaaro tartanka Euro 2024 lagu qabanayo waddanka Ruushka.

Kroos oo halbowle u ahaa guushii xulka Mannschaft ee Koobkii Adduunka 2014, ayaa waxa dhowaan in uu soo laabanayo sheegay Antonio Rudiger oo uu ka fiirsanayo.

Toni Kroos oo la hadlay saxaafadda dalkiisa Germany markii ay Real Madrid safarka ugu tagtay Union Berlin ayaa yidhi: “Anigu mwaqti dheer ayaan ka fikiraa, laakiin arintan waan ka fiirsanayaa. Rudiger lugaha ayuu i qabsaday, aniguna waan ka fiirsanayaa.”

33 jirkan oo ku jira waqtigiisii ugu fiicnaa ayaa haddii uu kusoo laabto ciyaaraha caalamiga ah, waxa uu khadka dhexe kala ciyaari doonaa Joshua Kimmich iyo Ilkay Gundogan tartanka Euro 2024, taas oo ka dhigasa mid ka mid ah waddamada ugu xooggan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga