Jérémy Jacquet Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Ku Biirista Liverpool.

Xiddiga Jérémy Jacquet ayaa ka hadlay ku biiristiisa Liverpool isaga oo ku biiray Reds maalintii ugu dambaysay suuqa January.

Xiddiga Jérémy Jacquet ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa ku biiray Reds kadib markii ay Liverpool bixisay lacag dhan 60 milyan oo euro.

Kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka xiddiga ayaa ka hadlay dareenkiisa ku Aadan ku biirista Liverpool.

“Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn ii ah inaan u saxiixo Liverpool, oo ka mid ah hay’adaha kubadda cagta ee ugu waaweyn dunida. Sidoo kale, aad bay muhiim ii ahayd inaan si habboon u soo gabagabeeyo waqtigeygii aan ku qaatay midabada cas iyo madow, anigoo jooga naadigii i soo barbaariyey – kooxdaydii carruurnimada”

“Waxaan wajahayaa qeybta labaad ee xilli-ciyaareedka anigoo go’aansaday inaan la wadaago daqiiqado waaweyn saaxiibbadayda iyo taageerayaasha.”

Kooxda.com ayaa xusaysa in xiddiga Jérémy Jacquet uu amaah kula joogi doono kooxdiisa haatan ka hor inta uuna xagaaga ku soo biirin Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga