Jamie Carragher Oo Sheegay Hal Meel Oo Ay Arsenal Kaga Xuntahay Liverpool Iyo Chelsea.

Jamie Carragher ayaa sheegay in Arsenal ay ka liidato kooxaha ay xafiiltamaan ee Premier League sida Liverpool iyo Chelsea marka la eego habka ay uga macaashaan iibinta ciyaartoyda.

Arsenal ayaa ku bixisay in ka badan £250 milyan xagaagan si ay ugu soo xoojiyaan kooxdooda ciyaartoy ay ka mid yihiin Viktor Gyokeres, Eberechi Eze iyo Martin Zubimendi, iyadoo guud ahaan 8 ciyaaryahan la saxiixday si loo xoojiyo kooxda labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ku dhamaysatay kaalinta labaad ee Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 12 ciyaaryahan ayaa kooxda ka tagay xagaagan, balse Arsenal waxa ay kaliya ka heshay wax ka yar £10 milyan oo ah dakhliga ka yimid iibinta ciyaartoyda — taas oo Carragher uu u arko inay muujinayso tabar-darrida maamulka Arsenal ee suuqa kala iibsiga marka loo eego kooxaha kale ee waaweyn ee horyaalka.

Thomas Partey iyo Jorginho ayaa labaduba ka tagay Arsenal si bilaash ah kaddib markii ay dhamaadeen heshiisyadoodii, halka Fabio Vieira, Oleksandr Zinchenko iyo Reiss Nelson ay dhammaantood kooxda uga baxeen si amaah ah.

Tani waxay sii xoojisay aragtida Jamie Carragher ee ah in Arsenal aysan si wanaagsan uga faa’iideysan iibinta ciyaartoyda marka loo eego kooxaha ay tartamaan sida Liverpool iyo Chelsea, kuwaas oo inta badan ka helaa lacag fiican marka ay ciyaartoyda ka diraan. Arsenal, inkasta oo ay si weyn u qarash gareyso xagga iibsiga, haddana waxay la dhibtoonaysaa inay lacag kasoo celiso ciyaartoyda ka tagaya kooxda.

Iibkii ugu weynaa ee Arsenal weli waa £35m oo ay Liverpool ka bixisay Alex Oxlade-Chamberlain sanadkii 2017.

Jamie Carragher ayaa aaminsan in Arsenal ay ka liidato Liverpool iyo Chelsea marka la eego iibinta ciyaartoyda, wuxuuna sheegay in maalgelinta ballaaran ee kooxda la sameeyay ay ka dhigan tahay in Mikel Arteta uu “qasab” ku yahay inuu xilli ciyaareedkan ku guuleysto koob weyn.

Jamie Carragher ayaa ku yiri CBS Sports:

“Waxaan u maleynayaa dhowr sano ka hor waxaan oran lahayn, ‘Arsenal wali waxay u baahan tahay inay koob ku guulaysato laakiin hada way ku qasbanyihiin in ay koob ku guulaystaan”.

“Laakiin aniga ahaan ma aaminsani in koobka FA ama Carabao Cup ay yihiin waxa kaliya ee ay tahay inay ku guuleystaan. Taasi waa wax wanaagsan, laakiin markaad eegto kooxda iyo ciyaartoyda Arsenal, waa heerka aad ka filaneyso kooxaha waaweyn sida Real Madrid ama PSG.”

“Marka laga eego dhinaca Mikel Arteta, waa inaad eegtaa qarashka la geliyay. Waan ogahay in Liverpool ay xagaagan lacag ka badan qarash gareeyeen, taas shaki kuma jiro.”

“Laakiin marka laga hadlayo naadiga, Arsenal si wanaagsan uma iibiyaan ciyaartoyda, ciyaartoyna ma iibinayaan. Liverpool iyo Chelsea way iibiyaan, waxayna helaan lacag badan oo u oggolaanaysa inay si weyn u qarash gareeyaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga