Jamie Carragher Oo Sharaxay Sababta Ayna Man United Shaqada Uga Caydhin Ruben Amorim Ilaa Haatan

Daafacii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in Manchester United aysan weli shaqada ka ceyrin Ruben Amorim sababo la xiriira “khaladaad ay kooxda horey u gashay.”

Carragher ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka Monday Night Football, isaga oo falanqeynayay guuldarradii 3-1 ee ay Manchester United kala kulantay Brentford, taasoo kooxda ka dhigtay inay ku jirto kaalinta 14-aad ee kala sarreynta Premier League.

“Sababta ay u sii haystaan Ruben Amorim ma ahan kalsooni, waa khaladaad ay horey u galeen oo ay ka baqayaan inay markale ku dhacaan,” ayuu yiri Carragher.

Ruben Amorim ayaa haatan helay 34 dhibcood kaliya 33 kulan uu hoggaamiyay Manchester United — rikoor si weyn loo dhaleeceeyay.

Jamie Carragher ayaa arrintan ka dhiibtay aragti kulul isagoo leh:

“Waxaan u maleynayaa inuu weli xilka hayo sababtoo ah madaxda sare ee Manchester United waxay horey u galeen khaladaad badan,” ayuu yiri Carragher.

“Iyada oo la eegayo go’aannada ay ka gaareen arrimaha gudaha iyo dibaddaba garoonka, ma doonayaan inay qirtaan inay mar kale khalad sameeyeen.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga