Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Koox Lama Filaan Ugu Tartami Doonta Premier League.

Jamie Carragher ayaa aaminsan in kooxda 4-aad ay si lama filaan ah u bilaabi karto loolanka horyaalka marka ay Liverpool isha ku hayso in ay difaacato Premier League xilli ciyaareedka dambe.

Waxay ahayd xilli ciyaareed cajiib ah oo qurux badan oo uu qaatay Arne Slot xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee premier League.

Man City Iyo Arsenal ayuu qaab ciyaareedkoodu hoos u dhacay taas oo ay Liverpool ka faa’iidaystay iyaga oo ku guulaystay premier League.

“Waan ku faraxsanahay in Liverpool ay ku guuleysato horyaalka, qofna ma fileyn,waxa aan u samaynay si raaxo leh”ayuu yidhi.

“Shaqo aad u wanaagsan ciyaartoyda laakiin gaar ahaan tababaraha”.

“Waxaan u maleynayaa inay noqon doonaan labadooda (City iyo Arsenal) kuwaas oo u soo laaban doona inay la tartamaan Liverpool,” Carragher ayaa yiri

“City mar kale ayay suuqa geli doontaa, Arsenal-na sidaas oo kale ayay samayn doontaa”.

“Laakiin Newcastle ayaa laga yaabaa in ay lama filaan qarxiso una tartanto horyaalka xilli ciyaareedka dambe”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga