Jamie Carragher Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga premier League Kadib Guuldaradii FA Cup-ka.

Jamie Carragher ayaa u muuqda in uu Liverpool ku taageeray in ay ku guulaysato horyaalka Premier League inkasta oo ay Plymouth ka reebtay FA Cup-ka.

Rigoore uu dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta Ryan Hardie ayaa Reds ku xasuuqday wareega afaraad ee tartanka Axadii.

Waxa sidaas ku Soo dhamaatay rajadii ku guulaysiga Liverpool ee 4-ta koob iyada oo kaliya haatan u tartamaysa koobabka premier league, champions league iyo Carabao Cup-ka oo ay gaadhay Final-ka tartanka.

Waxa ay u baahanyihiin in ay ku soo laabtaan wadada guulaha markan ay la ciyaari doonaan kooxda Everton kulanka baaqiga u ah.

Carragher ayaa aaminsan in guuldaradu ay dhab ahaantii caawin karto kooxdiisii hore.

Taageere ayaa qoray”miyay fursadaha Liverpool ee ku guulaysiga premier league kor u kacday kadib guuldaradii FA Cup-ka”

Carragher ayaa ku jawaabay”Haa, 100%”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga