Jamie Carragher Oo Magacaabay Xulka Ay Tahay In Uu Enland Ka Fogaado Si Ay Ugu Guulaystaan Euro 2024.

Jamie Carragher ayaa magacaabay Xulka ay tahay in uu xulka England ka fogaado hadii uu doonayo in uu ku guulaysto euro 2024.

Kooxda Gareth Southgate ayaa guul ku bilowday euro 2024 iyaga oo ka badiyay xulka Serbia Axadii.

Xulka England ayaa doonaya in ay ku guulaystaan euro-da markii uu horaysay xilli ay doonayaan in ay soo afjaraan rikoodhkooda koob la’aanta ah.

Carragher ayaa u arka England mid ka mid ah xulalka ugu fiican ee ka qayb galaya tartanka laakiin waxa uu u sheegay in ay u baahanyihiin in ay ka fogaadaan xulka France hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan koobka.

“Ma arko sida England u garaaci karo xulka France” Carragher ayaa u sheegay The Telegraph.

“Taasi waa dareenkayga”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan qabaa shaxda ugu fiican England iyo shaxda ugu fiican France in aanay isku heer ahayn”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga