Jamie Carragher Oo Magacaabay Xiddiga Man City Ku Hogaamiyay Horyaalka Premier League.

Jamie Carragher ayaa sheegay in Stefan Ortega uu horyaalka Premier League ku hogaamiyay Man City ka dib markii uu si cajiib ah u badbaadiyay Son Heung-min.

“Xaqiiqda ah inaan siinay xiddiga ugu fiican kulanka Ortega, hadii aan ku qiimayno xaaladan  kaliya isaga ayaa Man City ku hogaamiyay horyaalka”.

“Sida iska cad waxaa jira waxyaabo badan oo taas galay xilli ciyaareedka, laakiin marka aad eegto kulankaan, tani kama aysan hadlin goolkii Haaland ama caawinta [Kevin] De Bruyne”.

“Hadii uuna Ortega badbaadintaas samayn lahayn, Arsenal ayaa ku guulaysan lahayd horyaalka”.

Man City ayaa kaliya u baahan in ay ka badiso West Ham si ay ugu guulaysato horyaalka.

Kooxda Man City ayaa isha u haysa ku guulaysiga horyaalka Premier League markii 4-aad oo xidhiidh ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga