Jamie Carragher Oo Magacaabay Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Uu Jeclaan Lahaa In Uu U Ciyaaro Liverpool.

Jamie Carragher ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa in Liverpool ay hesho mid ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ka hor kulanka weyn ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester City.

Ka dib barbarihii 2-2 ee Aston Villa habeenkii Arbacada, Liverpool ayaa sideed dhibcood ka sareysa Arsenal inkastoo ay ciyaareen kulan ka badan.

Reds ayaan ku qancin barbarihii ay la gashay Villa iyo Everton iyo guul dirqi ah oo ay ka gaareen Wolves, waxaana axada ay wajahayaan imtixaan weyn marka ay u safraan Etihad.

Inkasta oo ay kooxdu ku jirto qaab ciyaareed aan fiicnayn kulamadii ugu dambeeyay, hadana kooxda Liverpool ayaa wali ugu cad-cad ku guulaysiga premier League sabab la xidhiidha dhaawacyada Arsenal.

“Waxan jeclaan lahaa in ay Liverpool haysato Jurrien Timber kulanka Man City”ayuu Carragher yidhi.

“Liverpool waxa ay u baahantahay daafaca waxana aan jeclaan lahaa in uu Jurrien Timber joogi lahaa Liverpool”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga