Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in goolhayaha Manchester City, Gianluigi Donnarumma, uu ahaa kii ugu horreeyay ee qalad sameeya tartanka horyaalka.
Carragher wuxuu aaminsan yahay in goolhayaha Man City, Donnarumma, uu noqon karo mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee Arsenal ugu guuleysato koobka.
Donnarumma ayaa ku biiray Etihad xagaagii hore si uu u beddelo Ederson.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Monday Night Football, Carragher wuxuu iftiimiyay waxqabadka labada goolhaye ee usbuucii hore:
-
Donnarumma ayaa qalad ka galay kubbad uu soo tuuray Jarrod Bowen, taasoo keentay goolka barbaraha ee uu dhaliyay Konstantinos Mavropanos markii Manchester City ay 1–1 la gashay West Ham United ee London Stadium.
-
Dhanka kale, David Raya ayaa sameeyay badbaadinooyin muhiim ah xilli ciyaartu ahayd 0–0, ka hor intii aysan Arsenal ugu dambeyn 2–0 ku garaacin Everton.
Carragher wuxuu yiri:“Inta badan annaga waxaan dooranay Donnarumma sababtoo ah khibraddiisa iyo inuu hore u soo maray xaalado waaweyn”
“Laakiin shaki kuma jiro inuu isagu ahaa kii ugu horreeyay ee qalad sameeya”
“Kubbadaha corner-ka way ku adkaan karaan goolhayayaasha maanta, laakiin tani sidaas ma ahayn. Qofna ma carqaladeyn, si fudud ayuu u khalday oo si xun u qiyaasay kubbadda”
“Goolkaas ayaa ciyaarta ka dhigay 1–1, waxaana City ku guuldarreysatay inay hesho goolka guusha.”
Be the first to comment