Jamie Carragher ayaa ku ammaanay Morgan Rogers inuu yahay ciyaaryahan “gaar ah” kaddib guushii xiisaha badnayd ee Aston Villa 3-2 kaga adkaatay West Ham, isagoo sheegay in khadka dhexe uu noqon doono “furaha guusha” haddii ay kooxda doonayso inay ku guuleysato horyaalka Premier League.
Villa waxay u muuqatay inay wajihi doonto guuldarradeedii ugu horreysay tan iyo horraantii bisha Nofeembar, kaddib markii Mateus Fernandes iyo Jarrod Bowen ay goolal dhaliyeen, halka Konstantinos Mavropanos uu iska dhaliyay gool qalad ah kulankii ka dhacay garoonka London Stadium Axaddii.
Si kastaba ha ahaatee, martidu way soo laabatay qeybtii labaad, iyadoo Rogers uu dhaliyay goolka bar-baraha daqiiqadii 50-aad.
Rogers, oo ahaa Ciyaaryahanka Da’da Yar ee Sanadka (PFA) xilli ciyaareedkii hore, halkaas kuma ekaan, balse 23-jirkan ayaa soo bandhigay tayadii ugu sarreysay ee ciyaarta, taasoo hubisay in kooxda Unai Emery ay kula soo laabato saddexda dhibcood oo dhan.
Carragher ayaa yidhi”Waa ciyaartoy cajiib ah oo leh tayo fiican”.
“Marka la eego qaab ciyaareedkiisa waxa uu sabab u noqon karaa in ay Arsenal lumiso horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment