Jamie Carragher Oo Magacaabay Kooxda Liverpool Kula Tartami Doonta Horyaalka Premier League.

Jamie Carragher ayaa magacaabay kooxda Liverpool kula tartami doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Premier league ayaa shaki la’aan ku socda Anfield xilli ciyaareedkan iyada oo kooxda Liverpool 11 dhibcood ku hogaaminayso premier League.

Xiddiga Carragher ayaa sheegay in ay kooxda Man City noqon doonta kooxda Liverpool kula tartami doonta horyaalka premier Legaue.

Isagoo ka hadlayay The Overlap Sky Bet, Carragher wuxuu yiri: “Waxaan ka fekerayay Arsenal, runtiina waxaan u maleynayaa inay xoogaa nasiib darro ah ku dhacday”.

“Waxaan u maleynayaa mararka qaarkood, waxay ku saabsan tahay waqtiga, Hadii ay Arsenal u ciyaari lahayd sidii xilli ciyaareedkii hore waxa ay ku tartami lahayd horyaalka premier League waxana la isla aadi lahaa ilaa maalinta ugu dambaysa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga