Jamie Carragher Oo Kashifay Sababta Uuna Mohamed Salah Ugu Guulaysan Ballon d’Or 2025.

Halyeeyga kooxda Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sharxay sababta weeraryahanka Reds ee Mohamed Salah uusan sanadkan ugu guuleysan Ballon d’Or.

Ciyaaryahanka 32-jirka ah ayaa ka mid ahaa musharaxiinta abaalmarinta balse ugu dambeyn wuxuu galay kaalinta afraad.

Garabka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembele, ayaa ku guuleystay Ballon d’Or, isagoo noqday ciyaaryahankii labaad ee Faransiis ah (ka dib Karim Benzema oo ku guuleystay 2022).

Dembele oo 28 jir ah ayaa soo bandhigay xilli ciyaareed cajiib ah — isagoo dhaliyay 35 gool kana qeyb qaatay 16 gool caawin ah — 53 kulan oo uu ka qeyb galay dhammaan tartamada, iyadoo PSG ay ku guuleysatay afar koob oo taariikhi ah, oo ay ku jirto Champions League-koodii ugu horreeyay.

Salah isna wuxuu lahaa xilli ciyaareed guul leh — isagoo dhaliyay 34 gool isla markaana caawiyay 23 kale 52 kulan — balse waxa kaliya uu ku guuleystay ayaa ahayd horyaalka Premier League.

“Waxaan dib ugu noqday hadal aan horey uga sheegay Salah iyo (AFCON-ka), si cadna wuxuu markaas abuuray buuq weyn. Haddii aad jeceshahay iyo haddii kaleba, koobabka waaweyn ayaa door weyn ka ciyaara (go’aaminta Ballon d’Or). Sida caadiga ah, haddii ay tahay sanad Koobka Adduunka ama Euro-ga, ciyaaryahanka ugu fiicnaa tartankaas ayaa helaya abaalmarinta.

“Champions League-ku sidoo kale wuxuu leeyahay saameyn weyn. Haddii Liverpool ay garaacdo PSG kulankiias, waxay gaari lahaayeen semi-finalka, suurtogalna waa inay ku guuleystaan. Markaas Salah ayaa laga yaabaa inuu ku guuleysto abaalmarinta. Ma aha inaad khasab u tahay inaad koobkaas qaaddo si aad u hesho abaalmarinta, laakiin haddii aad tartameyso qof koobka qaaday — markaas fursaddaadu way yaraanaysaa.

“Anigu taageere Liverpool ah ayaan ahay. Aad baan jeclaan lahaa inaan arko Salah oo ku guuleysta abaalmarinta, marka la eego waxa uu u qabtay Liverpool iyo kubadda cagta Afrika. Laakiin Dembele mar walba wuu ku guuleysan lahaa. Arrintaas igama yaabin sababtoo ah wuxuu lahaa xilli ciyaareed weyn wuxuuna qaaday Champions League.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga