
FIFA ayaa soo saartay liiska gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya taariikhda isreeb-reebka Koobka Adduunka, xilli uu weli socdo isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2026.
Liiskan, halyeeyga Guatemala ee Carlos Ruiz ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda isreeb-reebka Koobka Adduunka, isagoo dhaliyay 39 gool 47 kulan oo uu u saftay dalkiisa.
Wuxuu kaga horeeyaa ciyaartoy caan ah sida Cristiano Ronaldo oo Portugal ah iyo Lionel Messi oo Argentina u ciyaara.
Liiska Gooldhalinta Ugu Sarreeya Taariikhda Isreeb-reebka Koobka Adduunka:
- Carlos Ruiz – 39 gool / 47 kulan
- Cristiano Ronaldo – 38 gool / 48 kulan
- Lionel Messi – 36 gool / 72 kulan
- Ali Daei – 35 gool / 51 kulan
- Robert Lewandowski – 32 gool / 41 kulan
- Chris Wood – 29 gool / 31 kulan
- Sardar Azmoun – 29 gool / 41 kulan
- Luis Suarez – 29 gool / 64 kulan
- Karim Bagheri – 28 gool / 29 kulan
- Edin Džeko – 28 gool / 40 kulan
- Kazu Miura – 27 gool / 25 kulan
- Ali Mabkhout – 26 gool / 33 kulan
- Andriy Shevchenko – 26 gool / 40 kulan
- Tim Cahill – 25 gool / 37 kulan
- Carlos Pavón – 25 gool / 37 kulan
- Mehdi Taremi – 24 gool / 44 kulan
- Jared Borgetti – 23 gool / 24 kulan
- Son Heung-min – 23 gool / 47 kulan
- Marcelo Martins – 22 gool / 64 kulan
- Paolo Wanchope – 21 gool / 37 kulan
Tani waa liiska rasmiga ah ee FIFA kasoo baxay, iyadoo la eegayo guud ahaan taariikhda isreeb-reebka Koobka Adduunka. Carlos Ruiz ayaa hoggaaminaya, isagoo ka sareeya xiddigo waaweyn sida Ronaldo iyo Messi.
Be the first to comment