Inter Vs Arsenal: Waa Sidee Rikoodhka Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda Champions League.

Kooxaha Arsenal Iyo Inter Milan ayaa ku kulmi doona champuons League heerka horyaalka xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Kulanka ayaa ka dhici doona garoonka San Siro habeenka Salaasada kulankii 7-aad ee tartanka champions League.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ah kooxda kaliya ee aan wax guuldaro ah la kulmin tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa kaliya u baahan hal dhibic si ay u xaqiijisato booskeeda wareega 16-ka tartanka champions League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa rikoodhka Arsenal Iyo Inter ee hore kulamadii ay isaga hor yimaadeen.

Inter Iyo Arsenal ayaa horay u wada ciyaaray 3 kulan iyada oo Inter badisay 2 kulan halka ay Arsenal badisay kulanka kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga