
Kooxda inter ayaa si qurux badan iyaga xaadirisay final-ka Champions League kadib guul ay ka gaadhay Inter.
Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood kala qaybsadeen isla markaas midba qayb si fiican u ciyaartay.
Qaybta hore Inter ayaa ahayd kooxda fiican waxana ay ka awood badnayd kooxda Barcelona kulan ay wax walba ka sameeyeen.
Daqiiqadii
21-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda Inter ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hakan Calhanoglu kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hor ee ciyaarta oo ay Inter ahayd kooxda fiican kana awooda badan Inter.
Qaybtii dambe ayay Barcelona waji cusub la soo gashay iyada oo ay ka go’nayd in ay ciyaarta ku soo laabato.
Daqiiqadii 54-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Eric Garcia kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Dani Olmo ayaa daqiiqadii 60-aad dhaliyay goolka bar-baraha waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/2.
Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.
Lakiin Inter ayaa daqiiqadii 90+3-aad dhalisay goolka 3-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay daafaca Francesco Acerbi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.
Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta 90-kii daqiiqo iyada oo labada kooxood isla aadeen 30 daqiiqo oo dheeri ah si loo kala boxo.
Daqiiqadii 98-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Davide Frattesi kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/3 ay kooxdiisu hogaanka ugu qabatay ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaart oo ay Inter Milan iska xaadirsay Final champions League
Be the first to comment